Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ahaa ninkii ugu horreeyay ee la dagaallamay isticmaarkii reer Yurub, wuxuu ku dhashay Balliga Sacmadeeqo oo 7 mayl waqooyi ka xiga magaalada Buuhoodle, 7-dii Abriil 1856-kii.
Sida la sheegay, Sayid Maxamed wuxuu Qur’aanka dhammeeyey isagoo 10 jir ah. Markii uu 19 jirsadayna wuxuu noqday Sheekh laga dambeeyo oo aqoon diimeed oo fiican leh.
Sayid Maxamed wakhtigaas kaddib wuxuu aqoon kororsi u aaday Harar, Muqdisho iyo meelo kale.
Markii dambe wuxuu aaday magalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina isagoo la socday 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen si ay u soo xajiyaan.
bbc
Dagaalkii Dulmadoobe ee taariikhda galay ee uu jabka weyn ka soo gaaray Ingriiska
Dagaallada caanka ah ee dhacay waxaa ka mid ahaa dagaalkii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard Corfield, ninkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii uu Sayidku ka tiriyay gabaygii caanka ahaa ee 'Adaa Koofiloow jiitay oon dunida joogeyne'.
Sanadkii 1913, ciidamada Daraawiishta, waxay dagaal ku qaadeen ciidamadii Ingiriiska oo saldhiggoodu uu ahaa magaalada Burco. Halkaas Daraawiishtu waxay ku gaysatay khasaare aad u baaxad weyn, waxayna soo dhaceen xoolo badan.
Richard Corfield waxa uu dhashay sanadkii 1882, waxa uu ahaa sarkaal boolis ah oo Ingiriis ah, waxaana 1912-kii loo magacaabay taliyaha xarunta ciidamada Camel Constabulary ee Somaliland, waxaana loo xilsaaray ilaalinta nidaamka, laakiin waxaa la faray in uu iska ilaaliyo dagaal uu la galo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Hase yeeshee, waxa uu jabiyay amarkaas afartii bishii Agoosto 1913-kii, waxaana uu billaabay inuu abaabulo 116 askari oo ahaa booliiska Camel Constabulary, waxa uuna go’aansaday inuu u babac-dhigo 2,750 Daraawiish ah.
Daraawiishta ayaa markaasi haysatay qoryo ay qaarna Itoobiya ka soo iibsadeen qaarna Ingiriiska laftiisa lagala baxsaday, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xaaji Ingiriis, oo ah taariikhyahan.
"Xitaa waxaa qoryaasi ka mid ahaa Boobayaal Ingiriiska looga qabsaday dagaalladii dhexmaray iyaga iyo Daraawiishta inkastoo markii dambe uu Ingiriiska qaar ka mid ah qoryaasi dib u soo ceshtay."
Ciidankii uu watay Richard Corfield iyo raggii lahaa xoolo ay Daraawiishtu soo dhacday ayaa ka daba yimid Daraawiishta iyo xoolihiiba.
Xoolihii oo maraya meesha la yiraahdo Beer, ayay garab mareen oo u fariisteen buurta Dulmadoobe salkeeda.
Waxay isku heleen buurta Dulmadoobe, taas oo ciidankii Ingiriiska lagu jebiyay. Goobtaas waxaa lagu dilay Richard Corfield iyo inta badan raggiisa.
"Dagaalka ayaa waxa uu dhacay marka Ingiriiska iyo Daraawiishta ay kala nasteen ka dib markii uu dhacay heshiishkii Eyl ee u dhaxeeyay Ingiriiksa, Talyaaniga iyo Daraawiishta."
FG: Waxaa taariikhda dagaalka BBC-da ay ka soo xigatay Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoon-yahan Soomaaliyeed oo taarikhda uruuriya.
Sawir farshaxan ah
Sida uu halganka ku billaabay Sayidka
Alle ha u naxariistee, Awjaamac Cumar Ciise oo wax ka qoray taariikhda Sayidka ayaa intii uu noolaa wareysi siiyay baarnaamijkii taariikhda Soomaalida ee horay uga baxay BBC-da. Wuxuu wareysigaas ku sheegay in Sayidka uu halgankiisii ugu horreeyay ka billaabay magaalada Berberba ka hor inta uusan u jiheysan dhinaca howdka ee Buuhoodle.
Sayidka waxa uu dhadhaqaaqii ugu horreeyay ka billaabay Berbera. Sida la sheegay maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxa uu arkay nin baadari ah oo wiilal dhallinyaro ah suuqa marinaya, markaas ayuu yiri "waa maxay waxaan? Diinteenni baa la soo galay.” Kaddib dhagax buu qaatay, wuxuuna ku dhuftay ninkii baadariga ahaa, wuxuuna yiri “Allahayow maanta intaa baan awoodaa."
Maalintaas kaddib waxa uu billaabay inuu ka hadlo arrimo ay ka mid yihiin qaadka oo uu sheegay inuu xaaraan yahay, waxaana magaalada ka billowday buuq sababay in la barto Sayidka. Waa la dacweeyay. Nin la oran jiray Gaas baa ku yiri “Ninkan maanta haddaan la qaban meel fog baa laga dooni.”
Markii uu ogaaday in aan magaalada laga jeclayn ayaa waxa uu go’aansaday inuu isaga baxo.
Markii uu sii baxayay ayaa waxa uu sii maray Dheymoole iyo Majecase oo ay ka furnaayeen labo iskuul oo wax lagu barayay carruur agoon ah, kuwaas oo ay maamulayeen baadariyaal.
Markii uu tagay ayaa waxa uu u yeeray wiil yar oo ardayda ka mid ahaa. Waxa uu ku yiri "adeer magacaa?" Wiilkii ayaa ku jawaabay "Joon baa la i yiraahdaa." "Waagii horena maxaa lagu oran jiray?" ayuu ku celiyay Sayidka. Waxa uu ku yiri "Cali".
Waxa uu yiri "maanta ma tan ayay mareysaa?" waana uu ka sii tagay. Waxa uuna sii maray deegaanka Sheekh, waxa uu socdaba waxa uu tagay Oodweyne, wuxuuna ugu tagay Suldaan Nuur Axmed Ammaan. Waa ay kaalmeeyeen oo xoolo badan ayay siiyeen.
Markaas kaddib waxa uu u sii gudbay meel la yiraahdo Qoryo-weyn oo magaalada Burco koonfur-bari uga aaddan, isagoo xoolihiisa wata, halkaas ayuuna ka aasaasay halgankiisa, ciidanna wuu sameystay.
Kaddib horay ayuu uga gudbay isagoo aaday xagga Buuhoodle. Markii uu gaaray waxaa halkaas ka dhacay khilaaf yar oo sababay dagaal ay dhowr qof oo uu ka mid yahay Galaal Cali ku dhinteen.
bbc
Taas waxay sababtay in isaga iyo rag kale oo la socday ay aadaan meel la yiraahdo Gurdumi, halkaas oo uu saldhig ka dhigtay, balse markii muddo la wada shaqeynayay haddana khilaaf baa ka dhacay dad badanna waa ay ka soo horjeesteen.
Markaan waxa uu dib ugu soo noqday isaga iyo ciidankiisii Buuhoodle, Ingiriiska oo ka warhelay dhaq-dhaqaaqiisii ayaa warqado soo saaray.
Dagaalkii ugu horreeyay oo ay Ingiriiska la galaan ciidamadii daraawiishta ee uu hoggaaminayay Sayidka waxa uu dhacay bishii Janaayo ee sanadkii 1901, wuxuuna ka dhacay Haradhiig.
Markaas Sayidka lagama maqal arrimo halgan iyo dowlad, waxa keliya oo ay ka hadlayeen waxay ahayd inay diin fidinayaan iyo difaac diineed.
Waxay dadka u sheegayeen in "diinta la beddelayo oo baadariyo iyo kiristaan ay dhulka soo galayaan".
Dagaalkaas Ingiriiska waxa uu u yaqaan Samara sida uu qoray Douglas Jardine. Laakiin, Soomaalida waxay u taqaannaa Haradhiig, waxaana ku dhintay rag badan.
Isla sanadkaas waxaa dhacay dagaallo kale oo ay ka mid yihiin Afbakeeyle, Caano-xarigle, Kurgaraad, Faradhiddin iyo Oodagooye.
Kaddib markii uu Ingiriisku galay dhowr dagaal waxaa u kordhay khibrad, waxa uuna garwaaqsaday awoodda daraawiishta.
Fiiro gaar ah: Qoraalka kor ku xusan waxaan ka soo xigannay wareysi uu Awjaamac Cumar Ciise BBC-da siiyay intii uu noolaa. Wuxuu wax ka qoray taariikhda Sayidka.