Toddobaadkii hore waxa ay qaylodhaan iga soo gaadhay dhakhtar ka hawlgala cusbitaal ku yaala Addis Ababa oo lagu daryeelo carruurta uu ku dhaco KANSARKU.
Dhakhtarkaas oo ah nin Itoobiyaan ah oo takhasuskiisu yahay daawaynta xanuunada carruurta, gaar ahaan kansarka, Dr. Abel Hailu, kaas oo aannu isku baranay Addis Ababa mar aan hawl caafimaad u joogay, dalkana booqosho ku yimi markii u horraysay, waxa uu ii sheegay in ay cusbitaalka ku dhibaataysan tahay Hooyo Soomaaliyeed oo haysta ilmo yar oo sannad jira ah, waxa uu la il daranyahay xanuunka KANSARKA, Dr Hailu ayaana daaweyntiisa gacanta ku haya. Arrinka mashaqadan uga sii daray waa laba arrimood oo digtoorkani iigu daray warbixinta; waa in muddo bil ku dhaw aan cidi ka soo agwareegin, lacagtii cusbitaalka oo lagu leeyahay $5000 (shan kun oo doolar) iyo hooyaddii oo ay isku raaceen fool iyo dhiig la’aan, oo iyadiiba u baahan daryeel iyo in dhakhtar kale la geeyo. Intaas waxa dheer afkii oo ku adkaaday oo aanay sheegan karin baahideeda, waxa ay turjumaan isaga bixisana aan haysan, keliya waxa ka soo hadhay oohin sida uu ii sheegay.
“Mustafe, the mother is crying, saying her husband phone is switched off, and no one is replying,” waa mid ka mid ah farriimihii uu ii soo dhigay WhatsApp.
Dhakhtarka oo ah nin aad u wanaagsan oo naxriis badan isaga ayaa lacagta dammiintay, weliba daawooyinka u baahan in dibadda laga raadiyo, isaga ayaa raadin jiray, laakiin, hadda waxa ku adkaatay xaaladda culus ee soo waajahday hooyada.
Waxa uu telefoonka iigu dhiibay hooyada oo xilligaa hadalku ku adkaa. Sidii dhaqanka Soomaalida ee saxda ahaa waan warsaday. Waxa aan waydiiyay ehelkeeda, qabiilkeeda iyo halka lagala xidhiidhayo. Markii ay ii sheegtay waan hawlgalay. Reerkii ay ka soo jeeday iyo reerkii odaygeedu ka soo jeeday ayaan soo helay. Run ahaantii dad wanaagsan ayay ahaayeen, ma habboona in aan halkan ka sheego, laakiin, si fiican ayay yeeleen arrinkiina degdeg ayay u xalliyeen. Baadhitaan kadib, waxa ay soo ogaadeen in Odaygeedii oo warkan soo gudbin lahaa uu xanuusaday markii uu arkay xaaladda meesha taal iyo badnida lacagta, cidina wax badan ku kordhin wayday, sababtuna waa daawadda iyo daryeelka xanuunka kansarka oo ah “mag aan cidi kula bixinayn”.
Xilligii aan Addis Ababa joogay waxa la ii sheegay hooyo sidaas oo kale ku dhacday. Markii ay awoodi weyday daawada, ka codsatay in qolka loo daayo inta Ilaahay dhinac u ridayo ilamaha yar, sababta oo ah lama soo celin karo. Sidaasna ilmihii yara ku geeriyooday.
Waxa kale oo aan intaas raacinaya in ay jiraan carruur kale oo ku dhibaataysan cusbitaalka MAS, Hargeysa, oo xanuunkaas la il daran, laakiin, aan dalkeenna lagu daawayn karin, qoysaskooduna aanay awoodin in ay dibadda u diraan.
Arrinkani waxa uu muujinaya in xanuunkaasi aad inoogu soo batay iyo dalkeenna oo aan waxba lagaga qaban karin ilaa hadda iyo weliba daawaayntiisa oo muddo laba sanno iyo badh qaadata, taas oo aan qaran mooyaanee qof iyo qofaf ka bixi karin. Nasiib Wanaag, dhakhtarka aan xagga sare ku soo sheegay oo aan ku xidhay mas’uuliyiinta MAS waxa ay diyaariyeen qorshe lagu xallin karo dhibaatadaas, qorshahaas oo u baahan in dawladda iyo bulshadu iska kaashadaan, laakiin, waa in la helo cid fulisa oo ay dhab ka tahay.
FIIRO-GAAR AH: Ciddii u baahan in ay mashruucaas gacan ka gaysato ha la xidhiidho maamulka cusbitaalka Maxamed Aadan Sheekh (MAS), weliba waxa yaal carruur hadda u baahan gargaar degdeg ah.
W/Q:Mustafe Adam
Bare, Kulliyadda Saxaafadda
Jaamacadda Hargeysa