Tirada dadka Danishka ah ee aan doonayn inay caruur dhalaan oo sii kordhaysa

RH: Raisal wasaare Mette Frederiksen iyo gudoomiye  Lars Løkke Rasmussen waxay hadal hayaan in la sameeyo dadaal badan si dadka Danmark u helaan caruur badan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabad hortaagan rabitaanka siyaasadeed ee ah in la helo muwaadiniin cashuur bixiyayaal ah mustaqbalka.

Sida ay muujinayso cilmi-baaris cusub oo ay sameysay Hay'adda Rockwool Foundation, taas oo wargeyska Politiken qoray Axaddii, dadka Danmark waxaa kusii kordheysa in ay doorbidayaan in aaney caruur dhallin.

"in badan oo  ka mid ah haweenkaas  ayaa sheegtay in ay qaali tahay korinta caruurtu oo aaney awoodin, halka qaar kale yidhaahdeen gabi ahaanba ma rabno in aanu dhalno ama korino caruur.

Haddii la rabo in la kordhiyo heerka taranka, waa in la keeno tallaabooyin gebi ahaanba ka duwan kuwa maanta jira. Ma aha oo kaliya in la fududeeyo helitaanka carruurta, laakiin in la fududeeyo in la haysto carruur," ayay tiri Cecilia Ramlau-Hansen, oo ah professor ku taqasustay epidemiology ee Jaamacadda Aarhus, oo u warramaysay wargeyska Politiken.

Haweenka dhashay inta u dhaxeysa 1971 ilaa 1990, waxaa jira afar ilaa lix boqolkiiba oo aan gebi ahaanba rabin inay carruur dhalaan ama koriyaan.

Cilmi-baarayaashu waxay tilmaamayaan in dad badan ay sidoo kale ka tanaasulaan inay carruur dhalaan sababo dhaqaale awgeed, gaar ahaan sababtoo ah qiimaha guryaha ee sii kordhaya, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.

Tirada dhalashada ee Denmark hadda waxay taagan tahay 1.5 carruur ah haweeney kasta, taas oo macnaheedu yahay in tirada dadka ay sii yaraanayso mustaqbalka. Tani, sida laga soo xigtay dowladda, waa caqabad siyaasadeed, demograafiyadeed, iyo caafimaad.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, dowladda ayaa soo jeedisay in dadka Danmark ah ay mustaqbalka helaan daaweyn bacrimin oo ay maalgelineyso dowladda laga bilaabo ilmaha labaad.

guud ahaan wadanka Denmark waxaa sannadkii u dhasha caruut gaareysa 55 kun ilaa 60 kun.

 

waxaa diyaariyey 

Mohamed-Amiin

Category