Dhallinyaro ka soo barakacday dalkoodii hooyo ayaa la is kugu keenay xero qaxooti. Dhammaan waa wada dhallinyaro, u dhaxeysa da’da 20-tan jirka ilaa 40-tan jirka. Xeradu waxey qaaddaa 4 kun oo qof. Waxey u badan yihiin dhallinyaradaasi muslimiin, ka kala yimid qaaradda Afrika iyo midda Aasiya.
Waxaa loo taag waayay ilmo iska dhalanaya, oo aan la garaneyn aabbihii dhalay, iyo cudurro la xariira xubnaha taranka, kana dhasha galmada aan abaabulneyn. Hey’addii qaabilsaneyd dibudajinta waxey ku qasbanaatay in ay soo abaabusho Koorso ay uga hadlayso anshaxa galmada, iyo qaabka wax loo farsameyn karo.
Waxaa laga maarmi waayay in la keeno tarjumaanno xirfad yaqaan ah, isku na xiri kara dhaqanka ay dadkaan soogalootiga ah aaminsan yihiin iyo kuwa martida loo yahay.
Halkudhiggii koorsada ayaa wuxuu noqday “Sex Education”, (Anshaxa iyo Abaabinta Galmada). Qaabka loo ga yaqaan dalalka Reergalbeedka loo ma soo gudbin karo, sida in la adeegsado muuqaallo galmo, ama filimo laga sameeyay.
Howshii raggii loo xilsaaray ayaan ka mid ahaa. La ma na rabo in loo gafo dadka iimaankooda iyo dhaqankooda, wax in la nidaamiyana waa lama huraan. Haddii kale, maalin kasta xanuunno, kufsi, ilmo iska caloolgalay iyo wax aan qaanuunka dalku qabin ayaa loo soo taagnaanayaa.
Si dadka Koorsada loo soo jeedinayo ugu qancaan waxa loo sheegayo, waxaan soo hindisnay in qaab diiniyan ah loo maro. Baaritaan diiniya ayaan sameynay. Wax aan raadraac ku sameynay waxa diinta Islaamku ka tiri mawduucaan. Waxaan soo helnay in xilligii Nabi Maxamad ey jireen gabdho si toos ah uga la hadli jiray nabiga galma xumada raggooda, iyo qaar ka caban jiray.
Waxaan soo helnay in kutubta islaamka ay ka buuxdo Edabta jimaaca; “أداب الجماع” (Anshaxa Galmada). Arrinta kala fogeynta ilmaha ayaa ka mid ahayd mawduucyada ugu xiisaha badnayd. Qudhiisa waan soo helnay.
Dadkii waxaan la soo hor istaagnay wax qoran, oo meel loo la laabta leh, (Marjac), misana diin ahaan aan waxba u dhimeyn. Nasiib xumo, waxay ku dhammaatay koorsadii guuldarro. Xitaa maraajicda islaamiga ah in aan u sheegno waa naga diideen. Natiijadii ay ka dhaxleen diidmadaas ayaa waxey noqotay in laba bil oo kasta gabadh muslima ilmo laga soo qaaxo.
In lixdii bilood ba la helo wiil iyo gabadh HIV-ga AIDS-ka sababa qaba, ama qabta. in 30-kii maalin ba gabar la kufsado. In ay dhashaan ilmo aan la garanayan aabbahood iyo cidda is ka leh.
Mararka qaar jahliga naga heysta diinteenna suubban ayaa wuxuu kumannaan naga mid ah ku ridayaa wax aan cawaaqib suubban lahayn. Waxaad sii ciishoonaysaa markii aad aragto hooyo cunug dhashay oo laga sii qaadanayo, waayo? mas’uuliyaddiisa ma qaadi karto. Qoys anjabiya oo korsada ayaa gacanta loo galinayaa, siiba si qaynuunka waafaqsan.
Waxad sii naxeysaa mar kale, markii is la xaruntii qaxootigu ku noolyihiin ay ka dhex dillaacaan kooxo meher diineed sameynaya, saacadba saacaddey ka danbeyso. Furriin iyo galmo aan garasho ku dheehnayn. Si alle iyo si loo xalliyo ayaa la la’yahay. Bal qiyaas dal iyo bulsho dhan oo sidaas dhaqan nolaleed ka dhigatay!
W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane.
Qoraalkan waxaa u gaar u yahay qoraaga, ma ahan wax ka turjumaya aragtida Radio Hormuud