Dekadda Berbera ayaa kaalinta 165 ka gashay xagga maamulka dakadaha caalamka, sida ay tilmaameyso daraasad uu sameeyay Bangiga Adduunka sanaddii 2021-kii, balse sanadkan la daabacay.
Bangiga Adduunka wuxuu qiimeynta ku sameeyay 370 dakadood oo daafaha caalamka ku kala yaalla.
Berbera sidoo kale waxay kaalinta 171-aad ka gashay xagga baaxadda iyada ka mid ah dekadaha ugu weyn ee ku yaalla waddammada saxaraha Afrika ka hooseeya.
Labada dakadood ee kaalmaha ugu horreeya ka galay xagga tayada, maamulka iyo adeeg bixinta waxay noqdeen dakadda Boqor Cabdalla ee Sacuudi Carabiya, waxaa kaalinta labaad ku jirta dakadda Salalah ee dalka Cummaan, Kaalinta Seddexaadna waxaa gashay dekadda Xammad ee dalka Qadar.
Dekadaha Yangshan ee Shiinaha iyo dekadda Khaliifa ee Isutagga Imaaradaka waxay soo galeen kaalinta shanaad.
Halka kaalmaha ugu hooseeyana ay galeen dakadda Durban ee dalka Koonfur Afrika.
Xagga dhammeystirnaanta qalabka dekadaha Koonfur Afrika ay ku shaqeeyaanna waxay dakadaha caalamka ka galeen kaalinta 312-aad.
Daraasadda waxaa lagu sheegay in dakadaha caalamka tayadooda ay ku sameysay iney qaadatay ku dhawaad 12 bilood.
Dekadaha kale ee qaaradda Afrika laga xusay waxaa ka mid ah dakadda Maputo oo kaalinta 321-aad gashay, Walivis Bay oo kaalinta 328-aad gashay iyo Launde oo kaalinta 366-aad gashay.
Halka dakadda ugu dambeysay ee kaalinta 370-aad ka gashay dekadaha adduunka ay noqotay dekadda Beira ee dalka Mozambique.
Dekadda Berbera
Dekadda Berbera markii ballaadhinta loo sameeyey kaddib waxay ku jirtaa dakadaha ugu waaweyn ee ku yaalla geeska Afrika .
Wajiga Koobaad ee ballaadhinta waxaa gacanta ku hayay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World.
DP World waa mid ka mid shirkadda xuduudaha ka gudbay oo laga leeyahay dalka Imaaraadka oo ka shaqaysaa dekadaha, keenista iyo qaadista badeedcadaha.
Heshiiska dekedda Berbera ee DP World ayaa abuuray muran fara badan waagii la hirgelinayey.
Maxaa lagu kordhiyay dekadda Berbera
Waxa ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteynaro cabbirkoodu yahay TEU.
Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU. Waxaa lagaa dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga geeska Afrika.
Waxaa lagu soo kordhiyey 8 wiish oo kuwa waaweyn ah.
Dekedda cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono.
Saamiga Itoobiya ee heshiiskaas
Heshiiska markaas la ansixiyay meelna kagama xusnayn saamiga Itoobiya ay leedahay, dib ayayna kasoo baxday 19% -ka saamiga ah oo la sheegay in 14% ka mid ah ay ka iibisay shirkadda DP World, 5%-ta kalena ay ka iibisay Somaliland.
"Dhinaca Itoobiya, markasta si qaldan ayaa loogu celceliyaa, dadka in ay wax fahmaan ayaa fiican, DP World iyo Somaliland ayaa heshiiska wada galay, kadibna DP World ayaa saamigeedii ka gadday Itoobiya, marka labada dhinac ee jira ee asal ahaan heshiiyay waa Somaliland iyo DP World, haddii markaas DP World uu heshiiskeeda sharci noqdo, markaas ayuu kan Itoobiyana sharci noqonayaa, haddii uusan noqon waayana Itoobiya jid u furan maba lahan" ayuu yiri Abukaate Sakariye Cabdullaahi oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Geeska Afrika darsa.
Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, ayay dekada Berbera noqonaysaa tan kaliya ee ay Itoobiya saami ku leedahay.
Xiggasho: BBC