Hargeysa (RH)-Toddobaadyadii dambe waxaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ka jiray kuleyl aad u daran oo bulshada magaalada ay sheegeen in aysan nuuciisa horay u arag.
Kuleylka ayaana noqday mid saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee dadweynaha, si gaar ah waxa uu u saameeyay ganacsatada yaryar ee suuqleyda ah kuwaas oo aanan heysay meel ay kaga hargalaan kuleylka oo aad u daran.
Saynisyahannada adduunka ayaa sheegay in heerkulka adduunka uu sii kululaanayo, gaar ahaanna dalalka Afrika oo abaaro iyo roob yari laga soo sheegayo. Arrintan ayay sheegeen inay sabab u tahay isbeddelka cimilada.
Maxaa sababay kuleylkaan aadka u daran?
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee wasaaradda hormarinta beeraha Somaliland Cabdiqani Galeyr sidoo kalena ku xeel-dheer dhinaca cimilada iyo deegaanka ayaa BBC-da uga warramay waxa sababay kuleylkaan xad dhaafka ah ee ka jira magaalooyinka Somaliland qaarkood, si gaar ah waxa aan wax ka weydiinay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa oo todobaadyadii danbe gashay xaalad aad u kulul oo dadka jooga magaalada ay ku sheegeen in aysan horay u arag
Cabdiqani ayaa sheegay in sanadahii danbe gayiga Soomaalidu dagto ay ka jireen abaaro soo noqnoqday iyo qalleyl taasina ay sababtay in uu kordho kuleylka gaar ahaan xiliyada kaliisha, waxa uu intaa hadalkiisa ku daray in isbadalka cimilada iyo xaalufinta dhulka ay sabab u tahay kuleylaha iyo kan hadda ka jira Hargeysa.
‘’Sababaha ugu badan waa roobkii oo xiligii uu imaan jiray baaqday cirkuna uu is xiray sidoo kale huur badan oo jira maadaama aysan dabeylo jirin dadku xiliyada habiinka ah xitaa waxa ay ka soo baxaan gurayaha oo kuleylka ayaan la xamili karin’’
Waxa uu intaa hadalka ku daray in kuleylka noocaan ah uu Hargeysa ugu danbeeyay sideetameeyadii.
Qaar kamid ah dadweynaha magaalada Hargeysa oo BBC-da la hadlay ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya xiliyadii hore iyo kuleylka haatan jira iyaga oona tilmaamay in aysan muddo arkin kuleylka noocaan ah.
Faadumo Cilmi oo kamdi ah dumarka ganacsatada ah ayaa sidaan BBC-da u sheegtay ‘’Kuleylkaan maanta mid lamid ah meynaan arag in ay cimiladaha tahay iyo in ay mashiinada iyo baabuurta ku badatay ee aan la kala hagaajineynin, waxaan ku iri xanuun baan ka qaadnay oo dhiikar baanu ka qaadnay, waxaan ku iri dad badan wadnahaa is taagaya, ilaaheey ha inoo siqiro, Berbera ayaa inaga qabow, waxa camalkeenii ahaa wax kale ahaa ilaaheey ha inoo fududeeyo waxwalbee’’
Feysal Axmed Xassan oo inbadan Hargeysa joogay ayaa isna ka hadlay waxa sababay kuleylkaan aadka u daran ee ka jira magaalada ‘’Hargeysa cimiladeedu aad iyo aad buu isu badalay waxaan anigu garanayaa Hargeysa oo shanta saacadood laga baxo oo guryaha la qabto dhaxan awgeed maanatana dadkiiba waxa ay u xagaa baxayaan Berbera oo Hargeysa ayayba ka yaacayaan kuleylka yacni la arkay dee sanadkaan maanta ah’’
Safiya Aadan Maxamed oo kamid ah hooyooyinka ganacsiyada yaryar ku leh suuqa waaheen ee hargeysa ayaa sheegtay in ay muddo 28-sano ah iibineysay waxyaabaha udgoon sida uunsiga iyo noocyada carafta guryaha loo shitto, muddada intaa la eg oo ay joogtay suuqa waxa ay sheegtay in aysan arag kuleylka noocaan oo kale ah ‘’ inta aan cimriga iyo cirada ku soogaaray suuqaan wali kuleylkaan oo kale maan arag, Berbera weey ka kulushahay insha allah ilaaheey baa inoo saqiri’’
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee wasaaradda hormarinta beeraha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in dhirta ay kaalin muhiim ah ka qaatado isbadalka cimilada oo ay sii deyso naqas qabow oo yareeya kuleylka xad dhaafka ah bale haatan la xaalufiyay.
‘’Magaalada malahan meelo lagu nasto oo geedo waaweyn ka baxaan, dhirtii ku taalay ee teel teelka ahaydna waa la jaray, daaro cadcad iyo sibir madow ayaa laga dhigay taasina runtii waxa ay sii laban laabeysaa kuleylkii jiray ee dhiryaraanta ah, dhirtii la jaray iyo deegaanka laftirkiisa ee la xaalufiyay iyo dhuxushii la gubay waa tan kuleylka maanta na hayaa inagu sababtay, laakiin hadda waxaad moodaa in dadku soo fahmayaan baryahaan danbe oo dadku ay schoolada iyo meelaha qaar dhireynayaan’’.
Kulaylkaan oo xilliyada maalintii iyo habeenkii si weyn looga dareemo magaalada gudaheeda, ayaa ka mid ahayd toddobaadyadii u dambeeyey arrin ay si weyn dadku u hadal hayeen, madaama oo ay Hargeysa ka mid ahayd magaalooyinka Soomaalida kuwooda ugu cimilada deggen, iyada oo dadku ku tilmaamayaan in kululaylkan uu yahay mid noociisu ku cusub yahay Hargeysa.
Xigasho: BBC