Waa sidee xaaladda Ardayda Soomaalida ee ku nool goobta uu ka dhacay dhul gariirkii Turkiga

Ankara (RH)-Waxaa xalay xilli dambe dalka Turkiga ku dhuftay dhul gariir xoog badan oo galaaftay nolosha dad badan iyo hantiba. Dhul gariir labaad ayaa dhacay maanta iyadoo weli ay soo baxeyso faahfaahinta ku saabsan khasaaraha.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga, Suleyman Soylu ayaa sheegay in 10 magaalo oo ku yaalla dalka Turkiga uu saameeyay dhulgariirku.

Magaalooyinkan waxaa ka mid ah Kahramanmaraş, Hatay, Gaziantep, Osmaniye, Adıyaman, Malatya, Şanlıurfa, Adana, Diyarbakir iyo Kilis.

Waxa uu wasiirku sheegay in kooxaha baadigoobka iyo samatabixinta ee dalka la galiyey “heegan”.

Tirada dadka ku dhintay dhul gariirka Turkiga ka dhacay ayaa marba marka ka danbeysa isa soo tareysa, iyadoo haatan lagu qiyaasay in ka badan kun qof. Dad badan oo kale ayaa ku xannibmay dhismeyaasha ay ku jireen, maadaama xilliga uu dhul gariirku dhacay ay hurdayeen.

Magaalada Gaziantep oo ah halka uu ka bilowday dhul gariirkani ka hor inta uusan ku fidan magaalooyin kale ee Turkiga waxaa ku sugan arday Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii hurdada uga toosay.

Cabdiraxiim Axmednuur Giindhe oo arday ka ah jaamacadda Gaziantep ayaa u warramay BBC-da isagoo sheegay in ardayda Soomaalida Turkiga uu dhul gariirku ku cusbaa halka muwaadiniinta Turkiga ah ee magaaladiisa ku sugan ay horay u arkeen dhul gariir sidaas darteedna ay diyaar garow fiican haysteen halka Soomaalida uu ku ahaa maqal iyo wax ay daawadeen oo kali ah.

“Saaka salaaddii subax ka hor toban saac iyo afartan daqiiqo ayaa waxaan dareennay dhul gariir, marka annaga haddaan nahay ardayda Soomaalida dhul gariirku wuxuu kaliya nagu ahaa maqal iyo wax aan telefishin ka dawaanno, saaka waxay ahayd markii ugu horeysay oo aan aragno, laakiin dadka waddankan waxay ahaayeen dad ka war qabay dhul gariirka,” ayuu yiri Cabdraxiim.

Inkasta oo sida Cabdiraxiim uu sheegay ay bishii December ee sannadkii la soo dhaafay dawladdu samaysay barnaamij taleefanka ku xiran oo usii digaya dadka marka uu dhul gariirku billaabanayo haddana xilliga uu dhacay ayaa ahayd waqti la hurdo, sidaas awgeedna arayda qaar ay ku saseen.

Waxa uu sheegay in uu maqlay in aradayda qaar ee u dhashay Turkiga "ay dabaqayada iskasoo tuureen".

Mar uu sawir ka bixinayey sida ay uga fal celiyeen waxuu yiri:

"Qofkii soo ordi kara oo soo bixi karana wuu soo baxay sida aniga oo kale waxaan daganaa dabaqa shanaad marka waqti badan ayey igu qaadatay inaan dhismaha kasoo baxo maadaama ay Jaraanjaradu ruxmaysay, sidoo kale dhul gariirku hal mar ma ahayne laba jeer buu soo laabtay."

Dowladda Turkiga ayaa aroortii hore ee maanta ku wargelisay shacabka in uu dhici karo dhul gariir kale, sida uu ku warramay Cabdiraxiin. Taas ayaa sababtay in dadka magaalada ay bannaanka uga soo baxaan guryahooda.

Mar aan wax ka waydiinnay sida ay wax uga soo gaareen Soomaalida uu ka war hayo waxuu cabdiraxmaan sheegay in aanay wax yeello kasoo gaarin Soomaalida, dhammaantoodna ay iska war hayaan.

"Annaga ahaan Soomaalidii halkan joogtay waxaan dhihi karaan Alle ayaa mahad leh maadaama aan iska war hayno oo aan leenahay meelo aan ku wada xiriirno, qof Soomaali ah oo dhibaato gaartay ma aanaan arkin weli," ayuu yiri.

Cabdiraxiim ayaa tirada Arada Soomaalida ee jaamacaddiisa dhigata ku tilmaamay 40 ilaa 50 qof waxuuna shegay inay leeyihiin guddiyo iyo jaaliyado qaabilsan isku xirkooda.

Turkiga ayaa ku yaalla mid ka mid ah meelaha uu sida joogtada ah uga dhaco dhul gariirka.

Sanadkii 1999 ayey dad ka badan 17,000 oo qof ku dhinteen dhul gariir awood badnaa oo ku dhuftay waqooyiga galbeed ee Turkiga.

Xigasho: BBC

Category