Ugaadhsiga Caasha-badhida Oo aad U soo Kordhaysa Somaliland

Hargaysa(RH):-Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ugaadhsi aad u daran lgu hayo noocyo ka mid ah Xamaaratadda dalkeenna ku nool gaar ahaana xayawaanka loo yaqaano Caasha-badhida.

Waxaanay xukuumadu sheegtay in Xamaarratada ay u gaadhsanayaan dad ajaanib u badan, kuwaasoo ay gacan siinayaan dad reer Somaliland oo ajaanibkaasi kala shaqaysta dhoofinta sharci darrada ah ee xayawaanka dalkeenna.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/kariin Aadan Cadde, oo warbaahinta Somaliland la Hadley ayaa waxaa uu tilmaamay agaasimuhu in ugadhsiga xayawaanku ay qayb ka tahay xaalufka daran ee lagu hayo guud ahaanba degaanka Somaliland.

Dhibaatooyinkaasi kala duwan ee lagu hayo degaanka Somaliland waxa kaloo ka mid ah in si arxan darro ah loo jarayo dhirta oo Dhuxul laga shiddo, iyo sidoo kale dhul-daaqsimeedkii ummadu wada lahayd oo ay dad gaar ahi oodanayaan.

Sida uu sheegay agaasime C/kariin Aadan Cadde, waxaanu tilmaamay in sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi ay wasaaradda Degaanku kula jirto dagaal adag oo dhinac walba leh.

Ugu horayn agaasime C/kariin Aadan Cadde, oo ka hadlayay ugaadhsiga lagu hayo xayawaanka Xamaaratadda ah, waxa uu yidhi “Guud ahaanba deegaanka Somaliland culays badan baa jira, culayskaa jira ayay ka mid tahay ugaadhsiga duur joogtu na. Dalka xaaluf ba’an baa lagu hayaa, dhirtii baa la jarayaa, Dhuxulaysi fara badan baa jira, deegaamaysi baa jira, oo dhul aan deegaamaysi loo qorshaynin baa la deegaamaynayaa.

Dad baa xidhanaya dhul-daaqsimeedkii, oo odhanaya beerro ayaanu ka dhigaynaa, oo ay inta badan wasaaradu dagaal kula jirto. Markaa dagaalkaasi aanu kula jirno, ilaalinta deegaanka ayuun bay duur joogtu na ka mid tahay. Duur joogtu waa mid ka mid ah khayraadka ay Somaliland leedahay”.

Waxa kaloo uu agaasimuhu sheegay in ugaadhsiga sharci darrada ah ee duur joogta aanu ku koobnayn Somaliland oo keliya, balse uu ka jiro dalal inala jaarka ah, sidaas darteedna wasaaradda deegaanku iyadoo kaashanaysa laamaha kala duwan ee dawladda oo ay ugu horeeyaan qaybaha kala duwan ee ciidamadda in ay kula jirto dagaal hadh iyo habeen ah.

“Guur joogta dalkeenna iyo ta dalalka jaarka inala ahba, farro ba’an ayaa lagu hayaa. Waxaa jira ka ganacsi iyo sharci darro ah, oo fara badan, oo aad iyo aad u xoogan, oo lagu hayo duur joogteenna.

Wasaaradda deegaanku na, iyadoo kaashanaysa laamaha kala duwan ee dawladda, oo ay ugu horeeyaan qaybaha kala duwan ee ciidamadda, dagaal hadh iyo habeen ah baanu ku jirnaa, haddii aanu nahaay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda Somaliland sidii aanu duur joogta u ilaalin lahayn.

Culays fara badan baa saaran duur joogta, waana arrin muhiim ah in bulshadda iyo qaranka, iyo dadweynaha iyo dawladu ba ay aad iyo aad uga wada shaqaynayaan” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland.

Geesta kale waxaa dhawaan jirtay in ku dhawaad 150 xabadood oo xayawaanka Xamaarratadda loo yaqaanno ah, oo la qabtay iyadoo laga dhoofinayay garroonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa, taasoo uu watay ama lagu qabtay nin u dhashay dalka Masar.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo wax laga waydiiyay Caasha-badhidaasi dhawaan la qabtay waxa uu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee la qabto Caasha-badhi si qarsoodi ah dalka looga dhoofinayo.

C/kariin Aadan Cadde, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Caasha-badhidu, waxay ka mid tahay uun ugaadhsiga sharci darrada ah ee dalka ka socda, waana arrimo dalalka Geeska Afrika, ilaa Suudaan ka socda. Caasha-badhidii u danbaysay waxaa la qabtay laba todobaad ka hor, 150 xabadood ayaanay ahayd, waxaana lagu soo qabtay oo watay nin u dhashay dalka Masar, waxaana hawshaasi aad noogala shaqeeyay ciidamadda booliska Somaliland.

Waxaa ka horeeyay tirro gaadhaysay 300, oo xabadood oo Caasha-badhi ahaa oo aanu soo qabanay, waxaa ka sii horeeyay 73 xabadood oo aanu soo qabanay, iyadoo dalka si sharci darro ah looga dhoofinayay, waxa kaloo ka sii horeeyay 200, oo xabadood oo aanu qabanay.

Markaa afar jeer oo kala danbeeyay ayay wasaaradu Caasha-badhi si sharci darro ah dalka looga dhoofinayay soo qabatay. Caasha-badhidu, waxay ka mid tahay xayawaanka dalkeenna ku nool, waana xayawaan dhif iyo naadir ku ah adduunka, oo aad iyo aad u tiro yar, meelaha ILLAAHAY SWT ku abuuray na ay aad u yar tahay, Somaliland na ay ka mid tahay”.

Ugaadhsiga lagu hayo xayawaanka Xamaaratadda ah ee Caasha-badhida ayaa ah mid ku cusub Somaliland, waxaana jirtay in markii uu soo baxay warka la xidhiidha ugaadhsiga lagu hayo Caasha-badhida in su’aal la iska waydiiyay waxa loo isticmaalayo iyo meesha loo iib gaynayo.

Agaasimaha wasaaradda Degaanka Somaliland oo su’aashaasi iyo waxyaabaha la xidhiidha ka jawaabayay waxa uu yidhi, “Ugaadhsiga Caasha-badhidu, aad iyo aad buu dalkeenna ugu soo kordhayaa, waana culays kale oo soo kordhay. Baadhitaan badan bay dawladu ku haysaa, oo ah halka la geeyo, iyo waxa lagu falayo.

Ilaa hadda wararka ama xogaha aanu helnay, waxaa ka mid ah in dalal qaaradda Yurub ka tirsan iyo kuwo Aasiyadda fog ku yaalla, labada ba la geeyo, wararka qaarna waxay sheegayaan in Daawo ahaan loo isticmaallo. Laakiin, waxa keliya ee aanu og nahay, ee baadhitaanadaasi ka soo baxay waxa weeyaan, in ay qiimo aad iyo aad u qaali ah ku joogto cida iibinaysa.

Markaa tii ugu danbaysay ee aanu ninka Masriga ahaa ku qabanay, waxaanu haynaa warar fara badan oo ah dadkii uu la xidhiidhay, oo dad reer Somaliland ah u badan, telefoonadoodii ayaanu haynaa, xidhiidhadii ay wada sameeyeen ayay dawladu gacanta ku haysaa. Waxaan u sheegaynaa kuwaa iyo kuwa kale ee rabba in ay ka ganacsadaan ba in ay dawladu gacanta ku qaban doonto”.

“Dawladu duur joog fara badan bay gacanta ku haysaa. Ugaadhii oo kala duwan baa la hayaa, oo ilaa 100 gaadhaysa, oo ay xarunta Debis ku hayso dawladu. Kuwaasoo isugu jira Deeradii, Gara-nuugtii, iyo ugaadh kala duwan. Waxa kaloo ay wasaaradda Deegaanku gacanta ku haysaa ilaa 100 xabadood oo Harimacad ah, iyo hal xabo oo Shabeel ah.

Iyadoo Harimacadka iyo Shabeelku ba ay ka mid yihiin xayawaanka ka sii dabar-go’aya adduunka” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.

Geesta kale C/kariin Aadan Cadde, waxa uu ka warbixiyay qorsheyaasha ay wasaaradda Deegaanku kula dagaalamayso ugaadhsiga sharci darrada ah ee duur joogta, isagoona xusay inuu jiro qorshe qaran oo guud oo la xidhiidha ilaalinta duur joogta.

Waxa kaloo uu agaasimaha guud sheegay in guud ahaanba caalamka gaar ahaana wadamadda leh ugaadha aadka u tirade badan uu ka jiro ugaadhsiga sharci darada ah ee duur joogta, isla markaana uu dagaal aad u xoogani ka dhex dhaco dadka wax ugaadhsadda iyo dawladaha.

Waxaanu yidhi “Ugaadhsiga sharci darrada ah ee duur joogta, iyo ugaadhu, adduunka oo dhan buu ka jiraa, Afrika na si xoogan buu uga jiraa. Weli ba inagu (Somaliland) ugaadhu inaguma badna, balse dalalka ay aadka ugu badan tahay ugaadhu, dadka wax ugaadhsadda iyo dawladuhu dagaal adag, oo xoog weyn bay ku jiraan.

Qorshaha guud ee qaranka, iyo ka wasaaradda Deegaanka, labadu ba waxa weeyaan in sida ugu balaadhan ee loo ilaalin karayo duur joogta, in loo ilaaliyo”.

 

Category