Warbxinihii taxanaha aha ee inaga soo gaadhayey saxafiyiinta Afrikaanka ah, mid ka mid ahi waa Ismaaciil Ceynaanshe oo booqday goob lagu qaxweeyo oo ku taal Kenya taas oo isku dayaysa inay wax ka beddesho aragtida laga qabo dadka naafada ah.
Waxa ay ka danbaysaa albaab aanay waxba ku qornayn, waxaana ay ku taal xaafad dadka ladani degaan oo ka mid ah xaafadaha caasimadda Kenya ee Nairobi. Waa tijaabo bulsheed oo tilmaameysa sida rejada dadka dhagoolayaasha ah loo beddeli karo.
Shaqaalaysiinta shaqaale dhagoolayaal ah, kuwaas oo la kulmay takoor ku dhawaad dhinac kasta oo noloshooda ah, ayaa ay Pallet Cafe dhinac wanaagsan inaga tusaysaa.
Iyaga oo ku dul wareegaya miisaska iyo dhirta la qoray ee loogu talagalay in lagu fadhiisto kuwaas oo yaal kafateeriyada beerta ka samaysan, shaqaaluhu waxa ay kaa qaadayaan dalabka iyaga oo isticmaalaya Luqadda Farta ee Kenya, ama tilmaamo iyo dhaqdhaqaaqyo.
Waxa jira boodhadh ay ku qoran yihiin hordhaca iyo bilawga luqadda dhegoolaha ee aasaasiga ah, laakiin tusaale ahaan, mudalabyada ayaa laga yaabaa inay gariiraan si ay u waydiiyaan haddii qof doonayo dhalo qabow oo biyo ah, macaamilkuna wuxuu ku xaqiijin karaa taas isagoo suulka kor u qaadaya.
Ama haddii ukun la dalbado markaas tilmaanta feedhaha ayaa loo isticmaali karaa si loo hubiyo haddii macmiilku doonayo in la karkariya.
Edward Kamande, oo ku biiray shaqaalaha meheraddan wax yar ka dib markii la furay Pallet Cafe 2019, wuxuu ka bilaabay shaqada kabalyeerinimo laakiin hadda waa maamulaha goobta.
26-jirkan ayaa yiri aas aasaha goobtan, ganacsade Feysal Xuseen, "Waxa uu iga dhex arkay jaanis, iyo in aan leeyahay tayo gaar ah."
Ganacsadaha, oo hore u ahaan jiray shaqaale gargaar, ayaa doonayey in uu furo meel aan kaliya adeegga ay bixisaa aanay ahayn suxuunta waaweyn, ee ay ku jiraan cuntada kala ee sida ukunta farsamaysan iyo shakshuka (cunto basbaas leh oo Waqooyiga Afrika laga cuno), laakiin sidoo kale wuxuu damacsanaa in uu shaqaalaysiiyo oo goobtiisa ay iska dhex arkaan dhinacyada bulshadu.
"Aragtideyda waxay ahayd inaan taageero bulshada dhegoolayaasha ah," ayuu yiri isagoo ka hadlaya ganacsigiisa oo hadda leh saddex laamood. Laantan - Lavington - in ka badan 30 ka mid ah 40-ka shaqaale ayaa ah kuwa maqalka naafo ah ama dhego la'.
Mr Kamande waxa uu aaminsan yahay in lagu qiimeeyo qofka waxa uu qaban karo. "Ma jirto wax takoor ah oo ka jira shirkadeenna, halkan waxaa ka jirta xoriyad," ayuu yidhi.
Saddex sano ka hor, markii ugu horreysay ee uu kooxda ku soo biiray, Mr Kamande wuu xishoonayay oo werwersanaa, ayuu yidhi maamulihiisu laakiin hadda waxa uu noqday qayb aan laga maarmi karin oo socodsiiya ganacsigan.
Mr Kamande kaliya ma maareeyo shaqaalaha balse sidoo kale wuxuu kormeeraa dhaqaalaha wuxuuna isha ku hayaa saadka iyo hantida meesha.
"Wuxuu jecel yahay shaqadiisa", ayuu yidhi, wuxuuna si gaar ah ugu faanaa mar kasta oo macaamiishu ku ammaanaan shaqaalihiisa heerkooda xirfadeed iyo adeeggooda.
Badi weligood hore uma ay shaqaynin sidaa darteed ayay shaqadani u ahayd mid nolosha wax ka beddeshay.
Markii hore, Mr Xuseen wuxuu ku dhibtooday sidii uu u heli lahaa dad uu shaqaaleysiiyo, laakiin hadda uma baahna inuu si adag u baadho oo u hubiyo, maaddaama uu helayo bulsho dhan oo waraaqahooda shaqada aan cidi eegi jirin.
Dhab ahaantii, kafateeriyada si guul leh ayay u shaqaysay oo u noqotay mid hadalhayn leh. Ganacsiyada kale waxay weydiiyeen haddii uu ka caawin karo shaqaale dhagoolayaal ah.
Sida uu sheegay Mr Kamande, caqabada ugu weyn ee dadka dhagoolayaasha ah ee Kenya ku nool ay la kulmaan ayaa ah in aanay hore u helayn fursad ay ku shaqeystaan.
"Waxaa jira dad badan oo dhegoollo ah oo aan haysan fursado shaqo," ayuu yidhi.
Waxaa loo malaynayaa in ay dalka ku nool yihiin ugu yaraan 600,000 oo dhegoolayaal ah, in kasta oo takoorka ku salaysan naafada uu dastuurku mamnuucayo, haddana waxa ay weli la kulmaan caqabado waaweyn oo la xidhiidha helitaanka daryeel caafimaad, waxbarasho iyo shaqo.
Luuqadda Tilmaanta ee Kenya si weyn looma fahmo, waxaana aad u yar aqoonta ay u leeyihiin mas'uuliyiinta dowladdu.
Waxaa sidoo kale jira tarjumaano luuqadda dhegoolaha ee Kenya, mana jiro nidaam qaran ahaan loo aqoonsan yahay oo lagu diiwaangelinayo ama lagu hubinayo shahaadooyinka.
In kasta oo barnaamijyada TV-yadaa ay tahay inay ku daraan luqadda dhegoolaha ee barnaamijyadooda, badankooda haddana sidaas ma sameeyaan.
Mr Kamande waa uu hadli karaa si la fahmi karo, laakiin qaar badan oo asxaabtiisa ah la mid ma aha isaga.
"Waxaan u baahannahay waxbarasho [ku saabsan arrimaha dhegoolaha] waddan ahaan," ayuu yidhi.
Waxa uu iiga sheekeeyay arrin uu dhawaan saaxiibkii kula kulmay Nairobi markii ay si bakhtiyaa nasiib ah u joojiyeen boolisku oo ay weydiiyeen in uu tuso kaadhka aqoonsiga.
"Waxay ugu hanjabeen inay xabsiga geyn doonaan. Laakiin wuu u jawaabi waayay."
Mr Kamande ayaa ku guuleystay inuu tago halka uu saaxiibka ku sugnaa, wuxuuna booliiska u sheegay in saaxiibkii uu ahaa dhagool.
Waayo-aragnimada noocan oo kale ah ayaa baray in dadka dhegaha la' ay u istaagaan oo caawiyo midba midka kale, xilli ay kuu nool yihiin degaan naftooda u daran.
Pallet Cafe kaliya ma siin Mr Kamande meel aamin ah si uu u helo xirfad horumarsan, sidoo kale waxay ahayd meeshii uu wax ku jeclaaday.
Waxa uu la kulmay xaaskiisa Jacqueline, oo iyaduna ah dhegool, xilli oo halkan ka shaqaynaysay iyada oo ahayd kabalyeeriyad.
Waxay hadda haystaan ilmo 11 bilood jira oo lagu magacaabo Godwin, kaas oo aan ahayn dhegool. Waxa uu si sharaf leh iiga tusay sawirada wiilkiisa moobilkiisa.
"Kafeega dartiis," ayuu yidhi, "Waxaan u guuray heer nololeed oo sarreeya."
xigasho BBC