Maxaa Hortaagan Dhameystirka Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya? (Qeybta 1aad)

Heshiis bulsho: dib u handaseenta bulshada Soomaalida

fikradda heshiis bulsho waa mid ka dhalatay taariikh ahaan doodihii siyaasiga ahaa ee gariigga (Greece) waxaana loo celiya inta badan Epicurus (341 – 270 BC).

    Nuxurka heshiiska bulsho waa dhoorista sharciga iyo ogolaanshaha hanaanka siyaasadeed ee dalka.

Soomaalida waxa ay lahed dhaqan kaaso ay ka sinnaayeen ogolaanshihiisa dhamaan dadka isku deegaanka ah, ama reeraha deegaan wadaagga ah. Dhaqankaasi waxaa ka farcami jiray xeer iyo ciqaab losoo marayo gar naqsi si loo illaaliyo wada noolaanshaaha reerka iyo amnniga guud ee deegaanka. Haddi aan sii guda galno, dhaqanka geedka ayaa ah mid lagu tilmaami karo tusaalaha ugu cad ee ay soomaalida heshiis ku ahaayeen, geedkaasi waxaa laguso bandhigi jiray dhowr arrimood oo kala ah: garta, sugaanta, ciyaaraha, ariimaha beesha oo loogu gorfeyn jiray. Iyadoo guud ahaan geedkaasi uu yahay meel waxi kaso baxo lagu yahay heshiis fulintiisa, gaar ahaan marka garta laga helo qofka waxuu si niyad wanaagsan u qaadanaya gartii laga helay waxuuna fulinaya waxii u xeerka ku xukumo. Xeerka ciqaabta soomaalida ayaa isna ah mid aad u cajiib ah, oo qofka lagu helo dambiga lagu fulinayo xeerar la isku waafaqsanyahay. Sida hadii ay gartu tahay mid dhaqan waxuu qofka mutaysanayaa in tirro xoolo ah marmarka qaarna la bixiyo gabar si loo xaal mariyo qofkii loo geystay gaf dhaqan, sidoo kale hadii ay arrintu noqoto mid la xarriirta qudh oo ah fal dambiyeed dhimasho ka dhalatay waxaa la maraya diyo dhan boqol ama konton halaad. Haddii ay colaad dhacdo si looga heshiiyo waxaa la is weydaarsada dumar u kala dhashay labada reer ee dirriray taasoo looga gol leeyahay in la toleeyo labaddi reer si mar dambe colaad u dhicin.

Waxaa si cad innogu muuqanaysa in dhaqanka miiga uu ahaa mid nidaamsan oo leh qaabdhismeed muujinaya garaadka bulshadaas iyo biseylka. Sidoo kale qaabdhismeedkasi waxa uu lahaa indheergarad iskugu jira guurti iyo buuni iyo xeerbeegti, kuwaaso haggaya bulshada kana tashanaya aayahooda.

Sidaa darteed dhaqanka miiga waxaa uu lahaa heshiis bulsho oo u gaar ahaa, sida aan kor kuso sharrxanay. Haddaba eedda la huwanayo dhaqanka miiga iyo reeraha raacatada ah waxuu uu yahay mid lagu fududeysanayo fahanka mushikiladda soomaalida, dhaqanka fududeysiga ayaa indhaha tiray aqoonyahanno badan, iyagoo aan sameyn baaris badan iyo fakar badan aya sida caadado iska noqotay ku celceliya in soomaalida ay tahay bulsho aan dawlad noqon karin. Fakirka noocaasi ahi waa mid inkiraya oo isdiidsanaya sooyaalka xeer iyo dhaqan ee ay soomaalida lahayd, kaaso lagu tilmaami karo heshiis bulsho. Heshiiskaas bulsho waxuu aha mid si dabiici ah ugu dhax dhashay bulshadii soomaalida, waxaana suurgashay in si dabiici ah ay ku midoobaan soomaali kala reera ah iyadoo la adeegsanayo diinta iyo suugaanta oo asaas u ah dhaqanka soomaalida. Baahida mideynta reeraha soomaalida waa midda keentay in qarankii soomaaliya lagu tusaaleeyo hal geel ah oo lagu magacaabo Maandeeq.
Maandeeqeynta Qaranka Soomaaliyeed

Geela waxuu muhimad gaar ah u leeyahay raacatada reeraha soomaalida, kaasoo ka kaabaya quud iyo gaadiid ba, sidoo kale waa shay aad u qaali ah oo tixgalin iyo sharaf la siiyo qofkii haysta. Si guud adeegsiga tilmaamta maandeeq ayaa ahaa mashruuc laga alkummayay heshiis bulsho oo cusub kaaso la jaanqaadaya qaranimadaan cusub ee ay yeesheen soomaalida, sidoo kale waa tusaala muujinaya in geela la wadaago caanihiisa taaso ka dhigan in qarankaan la wada leeyahay.

Run ahaanti waa jiran reero soomaali ah oo aan dhaqan u laheyn geela iyo arrimahaan aan so sheegnay, balse reer walba waxuu lahaa xeer, sida xeer beeraley, iyo xeer ugaarsato, iyo xeer magaalo. Halka ay mushkiladda ka dhalatay aya ah in la awooddi waayay in la sameeyo dareen guud ha noqdo maandeeq ama tusaale sida Sac ama beer, balse xoojinaysa midnimada ummadda.

Eedda kowaad waxa ay dusha ka saarantahay indheergaradkii cusbaa ee uu gumeystaha sameeyay iyo gumeystaha qudhiisa oo aan isku hawlin in dhaqankii ummadda laga jaangoynin dawladnimadooda. Waxaa si muuqata meesha looga saaray indheergaradkii soo jireenka aha ee bulshada, iyadoo la adeegsanayo waxbarashada casriga ah, sidaa darteed nidaamkii gumeysiga waxaa uu abuuray indheergarad ku fakaraya maskaxdii gumeysiga iyagoo ismoodsiiyay in bulshada soomaalida la yurubeeyo ay muhiim tahay si dawladnimadu u hanna qaado. Kasmada hiifidda bulshada ee la tuhmayo dhaqanka bulshada ayaa ah mid aad u hanna qaaday bartimihii qranigiii 20 aad, taasoo salka ku haysa kala sareynta dhaqan ee uu dhoofinayay cilmi baarayaashii isticmaarka, soomaalidana ay safka hore kaga jirtay dadyowga la hiifayay dhaqankooda.

Balse haatan innaggo wada arkeyna halka ay ku dambeysay nidaamkii dawladnimo iyo sida kasmadii istimaarka iyo indheergaradkii uu tababaray ay fasiraadda gaabban ay uga bixiyaan mushkiladda soomaaliya, waxaa laga maarmaan ah in la jeexo wadiiqo cusub, la yagleelo kasmo ka duwan tii hiifaysay dhaqanka iyo taariikhda ummadda, si dib loogu handaseeyo bulshada soomaaliyeed.

Handasada bulshadeed ee haatan waa mid ka dhalatay dagaaladii sokeeye iyo dawladdii kacaanka, labadaasi dhaco ayaa sameeyay qaabdhismeedka siyaasadeed iyo mid ka bulsho ee soomaalida. Shaacbaxayaasha kala ah kalsooni darrada u dhaxeysa reeraha soomaalida, karti xummada hogaamiyaasha, ayaa ah kuwa ka shaacbaxayaal ka dhashay handasadii dagaaladii sokeeye oo maranaba suurgalinaynin hellidda soomaali isku kalsoon oo is aaminta oo wax wada yeelan karta, sit aa looga baxo waxaa muhiim ah la mudnaanta la siiyo arimahaan:

Dib uheshiisiin dhab oo u dhaxeeya reera wada dago ee is qabqabsiga dhax maray.

Xoojinta dhaqanka is dhaxgalka iyadoo loo marayo ganacsiga iyo kala guursiga si loo mideeyo reeraha soomaalida.

Kobcinta gobolada, tuulooyinka si looga maarmo in magaalooyinka looso doonto waxbarasho iyo caafimaad.

Sara uqaadidda aqoonta iyo dakhliga, iyo sameynta goobo tamashleyn sida sinnimaha, iyo gooba faneed (masrax) iyo xoojinta dhaqanka wax akhriska, su qofka soomaaliga garaadka iyo dareenkiisa wax looga baddalo.

Kobcinta saxaafadda si bulshada u hesho gorfeyn iyo warar sugan, doorna ka qaadato daba galka siyaasaadka dawladda iyo dhaqanka siyaasiyiinta.

Mashaariicdaas hormarineed waxa ay suuragalin karaan in dib loo handaseeyo qaab fakarka muwaadinka soomaaliyeed, iyadoo loo marayo waxbarashada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo suugaanta, si loo helo muwaadiniin ka fakar duwan kuwii ku lugta lahaa burburka iyo abuuridda qabyaaladda iyo mayaladeega diiniga ah.

W/Q:Cumar Cali Baasha

Category