Hargeysa(RH):-Guddida doorashòyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta War-Saxaafadeed ka soo saarey xadhiga murashixiinta u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland
Guddida doorashòyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in aanay bannaaneyn sharciyan xadhiga murashixiinta u tartamaya doorashada, sida uu dhigayo xeerka guud ee doorashooyinka, Qodobka 26-aad Farqadiisa 2aad.
War-saxaafadeedkan Guddida doorashòyinka Qaranka Somaliland ayaa u dhignaa sidan:
Qoraalkan ay Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ay ka soo saareen xadhiga murashixiinta u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili ay xabsiyada Somaliland ku xidh-dhidhanyihiin xubno ka mid ah murashixiinta u tartamaya doorashooyinka Somaliland kuwaasi oo ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo ay Xukuumada Somaliland xabsiga u Taxaabtey