Hargeysa(RH)Waxaa Maanta guud ahaan Deegaanada Somaliland Si rasmi ah uga bilaamay imtixaankii shahaadiga ahaa Ee Fasalada 12aad Ee Dugsiyada Sare ee Somaliland Waxaana Imtixaankaasi Saaka u Fadhiistey 11,000 oo arday .
Waxaanu ka bilaabmay Imtixaanku Laba boqol oo goobood oo ah gobolada Somaliland oo dhan isla markaasina waxaa uu Socon-doonaa maanta oo kaliya waxaana laga qaadayaa Ardayda 10 Maaddo Xanuunka COVID’19 awgii.
Waxaana saaka ku cusbaa goobaha imtixaanka laga Daah-furay, Degmada Taleex ee gobolka Sool waana markii Ugu horaysay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee Somaliland ay Ardaydaasi ka qaybgalaan