Waxaa la saadaalinayaa in tirada dadka Soomaalida ah ee Kenya u dhashay ay kororta tobannaanka sano ee soo socda. Saadaasha ayaa ku salaysan isbeddelladataranka dadwaynaha ee hadda waxaana taageeray xogta Sahankii Qoyska ee u dambeeysay.
Sahanku wuxuu daaha ka qaaday in tirada qoysaska Soomaaliyeed ay ka badan yihiin qoysaska qowmiyadda kale ee dhanka taranka. Raggu waxay guursadaan xaasas badan, waxayna leeyihiin carruur badan. Qoysaska Soomaalida ayaa la barbardhigay kuwa ku nool gobollada Nyeri, Nairobi, Mombasa, iyo Kiambu. Isbarbardhigaas ayaa muujinaya in tirada qoyska Soomaaliga ah ee halkii guriga ba uu ka badan yahay tirada qoysaska guryaha bulshada kale.
Sahanka Miisaaniyadda Qoyska ee Isku-dhafan ee Kenya (KIHBS) ee ugu dambeeyay ayaa tilmaamaysa in magaalooyinka Wajeer, Mandheera, iyo Gaarisa, oo ay ku nool yihiin badi Soomaalida Kenya, celcelis ahaan qoyskiiba ay haystaan lix ilaa toddoba carruur ah.
Magaalooyinkan, Wajeer ayaa leh celceliska tirada qoys ee ugu sarreeya oo ah 6.6 carruur ah, waxaa ku xigta Mandheera oo leh 6.4 carruur ah, iyo Gaarisa oo leh 5.5 carruur ah qoyskiiba.
Degmooyinka Tana River iyo West Pokot waxay leeyihiin qoysas aad u tiro badan, celcelis ahaan 5.4 qof qoyskiiba. Sahanka, oo ay soo saartay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Kenya (KNBS) sanadkii 2019kii, ayaa iftiimiyay in gobollada Wajeer, Gaarisa, iyo Mandheera ay leeyihiin celcelis ahaan tirada qoyska oo ugu badan Kena.
Sahanku waxa uu walaac ka muujiyay hoos-u-dhaca tirada iyo taranka qoysaska bulshooyinka kale, si gaar ah bulshooyinka degga Kiambu, Nairobi, Nyeri, iyo Murang’a oo la tilmaamay inay yaraanayaan. Isbeddelkan waxaa loo aaneyn karaa arrimo ay ka mid yihiin isticmaalka daawoyinka ka hortagga uurka oo kordhay, iyo heerarka sare ee waxbarashada iyo saameynta magaaleynta.
Aadan Ducaale oo hadda ah wasiirka gaashaandhiga ee Kenya, laakiin ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka xilligii sahanka la sameeyay, ayaa caddeeyay inay sax tahay natiijada sahanka muujinaya tirada qoysaska Soomaalida, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay ka tarjumayaan xaaladda dhabta ah ee jirta. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in gobolka Waqooyi Bari oo ay ku nool yihiin tiro aad u badan oo Soomaali ah ay dhaqan iyo diin naceyb ka qabaan hab dhaqanka qorsheynta qoyska ama daawooyinka uurka looga hortago. Marka loo eego Sahanka Dadweynaha iyo Caafimaadka ee Kenya 2014-tii, isticmaalka ka hortagga uurka ee Bartamaha Kenya wuxuu ahaa 73%, halka 3% oo keliya dadka gobolka Waqooyi Bari ay ku dhaqmeen qorsheynta qoyska. Natiijooyinkani waxay la mid yihiin warbixin hore oo tilmaamaysa in Bartamaha Kenya ay hogaamiso adeegsiga hababka qorsheynta qoyska, halka gobolka Waqooyi Bari uu leeyahay heerka isticmaalka hababkan oo hooseeya.
Sahanku waxa uu Gobolka Nyeri ku qiimeeyay in uu leeyahay celceliska tirada qoyska ee ugu yar dalka oo ah 2.9 qof guri kasta. Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa waxay leeyihiin celcelis ahaan saddex qof guri kasta, oo caadi ahaan ka kooban aabbe, hooyo, iyo hal cunug ama hal waalid oo leh laba carruur ah. Waxaa xusid mudan, Kiambu, Kirinyaga, iyo Murang’a, kuwaas oo ay inta badan degan yihiin beesha Kikuyu (kooxda ugu weyn Kenya), sidoo kale waxay leeyihiin qoysas aad u yar.
isha warka .BBC