Muqdisho (RH) —Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa ku gacan sayray guddiga uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaanaa hooyada Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad ay VOA u sheegtay inaysan waxba ka jirin guddigaas.
Waxay sheegtay inay kalsooni ku qabto Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo maxkamadda milatariga.
Madaxweynaha ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inay soo baarayaan kiiska Ikraan.
Hay’adda NISA ayaa horey u sheegtay in Ikraan ay u gacangashay ururka Al-Shabaab, ayna dileen, taasi oo uu ururku beeniyey.
Xiggasho: VOA